عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

Jonah [Yunus] - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Surah Jonah [Yunus] Ayah 109 Location Maccah Number 10

1. Alif Laam Raa1, Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka (Qur’aanka) Xikmadda Badan2.

2. Ma waxaa la yaab dadka ku noqday inaan u waxyoonnay nin ka mid ah (Nabi Muxammad, Annagoo leh): U dig dadka una bishaaree kuwa (Xaqa) rumeeyey inay ku leeyihiin rug rumeed san oo sare (Janno) Rabbigood agti (camalkoodii samaa darti). Waxay gaaladu yidhaahdeen: Kanu waa saaxir cad.

6. Xaqiiq is beddelka habeenka iyo maalinta iyo waxa Alle ku abuuray cirarka iyo dhulka, waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii Alle ka cabsan (oo iska jiri xumaha).

10. Ducadooda waa Subxaanakal laahumma3 (Sarreeye ma nuqsaamow adigaa ka hufan xumaan oo xurmoo dhan leh), salaantooduna waa, 'Salaam', (nabad ahaada). Ducadooda ugu dambeysana waa "Al-Xamdullilaahi Rabbil Caalamiin (ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka).

11. Hadduu Alle u soo dedejin lahaa dadka sharka (ay ka baryaan) siduu ugu soo dedejiyo Khayrka, muddadooda waa loo oofin lahaa (oo la hallagi lahaa)4. Waxaanse ku deynaa kuwa aan rajayn la Kulankayaga xad gudubkooda iyagoo ku jaha wareersan indha la’aan.

12. Marka waxyeello gaadho aadmiga, wuxuu na baryaa isagoo dhinac u jiifa, ama fadhiya ama sare jooga, kolkiise aan ka feydno waxyeellada, wuxuu ku sii socdaa (caasiyoobiddiisa) sida inaanu marnaba noogu gargaarsan waxyeello gaadhay (inaan ka qaadno). Sidaasaa loogu qurxiyey xadgudbayaasha waxay falayeen.

18. Waxay caabudaan Alle sokadi waxaan waxyeeli karin waxnana aan u tari karin, waxayna yidhaahdaan: Kuwakanu waa shafeecayaashayo Alle agti6. Dheh: Ma waxaad (is leedihiin waxaad u) sheegaysaan Alle wax aanu ogeyn ee ka jira samooyinka iyo arlada gudahooda? Wuu ka hufan yahay Alle (ceeb iyo nuqsaan) oo ka Sarreeyaa waxay la wadaajiyaan.

19. Dadku wuxuu ahaa ummad keliya (heysta diin keliya (Islaamka7), markaasay iskhilaafeen (waa' dambe), haddaysanna jirteen Kelmed horay uga dhacday Rabbigaa8 waa lagu kala xukumi lahaa dhexdooda waxay isku khilaafsan yihiin.

20. Waxay yidhaahdeen: Maxaa loogu soo dejin waayey calaamo (mucjiso) xagga Rabbigi ah? Dheh: Waxaan Muuqan ee qarsoon waxaa ogsoon Alle Keliya, ee suga, aniguna sidoo kale waan idin la sugayaa (Xukunka Alle).

21. Markaan dhadhansiinno dadka Naxariis kaddib waxyeello gaadhay, mise! Waxay kolkaas u tab dhigaan oo qoolaan Aayadahayaga. Dheh: Alle baa ku Dhaqsi Badan qorshe (tab) deggidda. Hubaal Rusushayada (malaa’igta ah) waxay qoraan waxaad qooleysaan.

26. Waxay leeyihiin kuwa fala wanaagga (abaalgud) kan u wanaagsan (Janno) iyo wax ka zaa’id ah 11(eegista Rabbi). Boor iyo dulli midna ma daboolayo wejiyadooda. Waa kuwaa ehlu Jannada, way ku dhex waari weligood.

28. Maalintaan soo wada kulmin iyagoo dhan, markaasaan ku odhan kuwii la wadaajiyey cid kale (Alle cibaadada): Halkiinna jooga, idinka iyo kuwa aad la wadaajiseenba (cibaadada); markaasaan kala saari, kuway wax ka wadaajiyeen (cibaadadooda: sannamadii) waxay odhan: Ma nihin innaga kuwaad caabudi jirteen.

31. Dheh: Waa kuma kan idinka arsaaqa samada iyo arlada? ama waa kuma kan haya maqalka iyo aragyada? Oo waa kuma kan noole ka soo saara mayd, oo mayd ka soo saara noole? Oo waa kuma kan qorsheeya oo iskudubarida arrimaha (uunka oo idil)? Markaasay odhan: Allaah. Dheh: Miyeydaan iska jireyn (shirkiga iyo xumaha kale)?

33. Sidaasay ugu rumowday Kelmadda Rabbigaa (Xukunkiisa iyo Qaddarkiisa) kuwa xumaha ku adkeysta in aanay rumayneyn (Xaqa).

34.Dheh:Ma jiraan wax ka mid ah kuwa aad wax ka wadaajisaan(cibaadadiinna) oo ifka keeni kara uunka billowga horeba haddana dib u soo celin mar kale? Dheh: Alle baa ifka keena uunka haddana soo celin mar kale, Ee sidee Xaqa la idiinka iilay?

35. Dheh: Ma jiraan wax ka mid ah kuwa aad wax ka wadaajisaan (cibaadadiinna) oo wax ku hanuuniya Xaqa? Dheh: Alle baa wax ku hanuuniya Xaqa. Ee ma Kan wax ku hanuuniya Xaqa baa mudan in la raaco, mise mid aan isaguba hanuunsanayn in la hanuuniyo ma’ahee? Ee muxuu arrinkiinu yahay? Sidee baad wax u xukuntaan?

37. Ma aha Qu’raankani12 wax ay been abuuran karayaan kuwaa Alle sokadi ah, waase rumeyn wixii ka horreeyey (oo Kutub Alle ah) caddeynta Kitaabkana (Qur’aanka) (axkaanta, xalaasha iyo xaaraanta), shaki kuma jiro, waa xagga (Alle) Rabbiga caalamka.

41. Hadday ku beeniyaan (Nabiyow), Dheh: camalkayga anaa leh, camalkiinnana idinkaa iska leh. Waxaad idinku ka eed tiran tihiin waxaan falo, aniguna waan ka eed tirnahay waxaad fashaan.

45. Maalinta uu soo kulmin iyagoo dhan, (waxay ahaan) sida inaysan ku negaanba (adduunka) waxaan aheyn saacad maalin ka mid ah wayna is aqoonsan. Waxaa run ahaan khasaari kuwa ku sheegay la kunlanka Alle inuu yahay been, mana ay ahayn kuwo hanuunsan.

46.Haddaan ku tusinno (intaad nooshahay) qaar ka mid ah waxa aan ugu gooddinno (oo cadaab ah), ama aan ku oofsannoba, waa Xaggayaga meel noqodkooda, Allaana ka marag ah oo u jeeda waxay falayaan.

47. Ummad kasta waxay leedahay Rasuul; markuu u yimaado Rasuulkoodu, waxaa lagu kala xukumi dhexdooda si caddaalad ah iyagoon la dulmineyn.

52. Markaasaa lagu odhan kuwii dulmiga (shirkiga iyo xumaha) falay: Dhadhamiya cadaabka waarista. La idinku abaal marin maayo waxaan aheyn waxaad kasbateen (oo denbiyo ah).

56. Isagaa wax nooleeya, oo dhinsiiya, Xaggiisaana dib la idiinku soo celin.

58. Dheh: Deeqda Alle (Islaamka) iyo Naxariistiisa (Qur’aanka) - arrinkani ha ku farxeen, isagaa uga khayr badan waxay isu keenaan (oo maal ah).

63. (Waa) kuwa (Towxiidka) rumeysan ee iska ilaasha (shirkiga iyo xumaha kale).

65. Yeysan ku murugo gelin (gaalada) hadalkoodu, Ciso oo dhan waxaa iska leh Allaah. Waa Isaga wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.

68. Waxay yidhaahdaan: Alle wuxuu leeyahay wiil17, Xurmo oo dhan Isagaa leh oo ka hufan (ceeb iyo nuqsaan). waa Hodanka Deeqtoon. Wuxuu leeyahay waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada. Wax Xujo ahna uma haysataan (arrin)kani. Ma waxaad ka sheegaysaan Alle wax aydaan ogeyn?

71. U Akhri qisadii Nuux. Markuu ku yidhi dadkiisii: Tolkaygiiyow! hadday joogiddeyda (la jirkiin), iyo (idinku) waaninteyda Aayadaha Alle ay idinku cuslaatay - haddaba Alle baan tala saartay - ee tala goosta arrankiinna oo (soo kulmiya) kuwa aad cibaadadiinna wax ka wadaajisaan, markaas yuusan ahaan arrinkiinnu mid uu ku jiro mugdi18, markaas igu fuliya xukunkiinna hana i siininnaba wax fursad ah.

72. Haddaad jeesataan, idinma weydiisan idinka wax abaalgud ah, abaalgudkeyga wuxuu saaran yahay Alle Keliya, waxaana la i amray inaan ka mid ahaado Muslimiinta u hoggaansan Alle.

87. Waxaana u waxyoonnay Muuse iyo walaalki (Haaruun, Annagoo leh) Uga yeela qolodiinna20 guryo ay degaan Masar gudaheeda, oo ka dhiga guryihiinna goobo cibaado (isu dhow, oo u furan booqashada) oogana salaadda oo u bishaaree mu’miniinta.

89. (Alle) wuxuu yidhi: Baryadiinna waa la idinka aqbalay21. Ee idinku haya jidka toosan (ee Islaamka) hana raacina jidka kuwa aan wax ogeyn.

102. Ma waxay sugayaan (wax kale) aan aheyn (baabbi’ii) sida maalmihii dadkii tegey hortood (ee Xaqa beeniyey)? Dheh: Suga (Ciqaabka Alle), aniguna (sidoo kale) la jirkiin waxaan ka mid ahay inta sugiye (Ciqaabkiinna).

105. Iyo inaad u jeediso wajigaaga xagga diinta (Islaamka) adigoo toosan, hana ka mid noqonin mushrikiinta.

106. Hana baryin (caabudin) Alle la jirki waxaan wax ku tari karin (haddaad caabuddo) waxna aan ku yeeli karin (haddaadan caabudin), haddaadse sidaa yeesho, waxaad ka mid noqon daalimiinta.

109. Ee raac waxa (Qur’aanka) laguu waxyoodo (Nabiyow) samirna inta Alle ka kala xukumin (dadka). Isagaana u wanaagsan inta garsoorta.