عربيEnglish

The Noble Qur'an Encyclopedia

Towards providing reliable exegeses and translations of the meanings of the Noble Qur'an in the world languages

The cattle [Al-Anaam] - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Surah The cattle [Al-Anaam] Ayah 165 Location Maccah Number 6

1. Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, ee abuuray samooyinka iyo arlada, oo yeelay mugdiyada iyo nuurka, sidaa oy tahay kuwa gaalada ah waxay u yeelaan shariigyo ay la mid dhigaan Rabbigood (Allaah).

2. (Alle) waa Kan idinka abuuray dhoobo, markaas (idiin) qaddaray muddo (aad ku dhimataan), waxaana jira muddo (kale oo) magaacaban (Saacadda Qiyaame) uu Isagu (Alle keliya) Og yahay, idinkuse (gaaloy) waad ka shakisan tihiin oo ka dooddaan.

3. (Alle) waa Isaga Ilaaha (Keliyee Xaqa ah ee lagu caabudo) samooyinka gudahooda iyo arlada, wuxuu Ogsoon yahay sirtiinna iyo caadkiinnaba, wuxuuna Ogsoon yahay waxaad kasbataan (oo camallo ah khayr ama shar).

8. Waxay yidhaahdeen: Maxaa malag loola soo diri waayey? Haddaan soo dejinno malag, arrinka mid la gooyo buu ahaan lahaa, markaasna lama siiyeen fursad (ay ku toobad keenaan).

9. Haddaan ka yeello malagna, waxaan ka yeeli laheyn nin, markaasaan iskaga dari lahayn arrinka siday iyaguba isaga dari jireen.

13. Alle baana iska leh waxa ku xasilan habeenka iyo maalinta, waana wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah.

14. Dheh: Ma waxaan yeeshaa wali (sokeeye, gargaare, cid kaloo la caabudo) aan aheyn Alle, askumaha samooyinka iyo arlada? Isagaana wax quudiya, lamana quudiyo. Dheh: Waxaa la i amray inaan ahaado kan u horreeya ee u hoggaansama (Alle). Hana ka mid noqoninna mushrikiinta.

18. Waa Sandulleeyaha (daalimiinta iyo isla weynayaasha), ee ka korreeya addoomahiisa, waana Xakiimka, Xog Ogaalka ah Xeesha dheer.

20. Kuwa aan siinnay Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) waxay u gartaan (Nabi Muxammad ee ku yaal kutubtooda) siday u gartaan carruurtooda. Kuwa khasaari nafahooda (Aakhirada) ma rumeynayaan.

22. Maalintaan kulmineyno (dadka) dhammaan, markaas baan ku odhan kuwii la wadaajiyey (Alle) cid kale cibaadada: Meeye shurakadiinna aad ku andacooteen (inay Alle shariigyo la yihiin).

26. Waxay ka reebaan dadka (rumeynta Nabiga iyo dhageysiga Qur’aanka) iyaguna ka sii fogaadaan, mana halligayaan waxaan aheyn nafahooda, mase dareensana.

27. Haddaad arki lahaydna iyagoo la dul joojiyey Naarta, markaas waxay odhan: Alla haddii naloo celin lahaa (adduunka), ma aan beenin lahayn Aayaadaha Rabbigayo, waxaana ka mid noqon laheyn mu’miniinta.

29. Waxay yidhaahdeen: Ma jirto (nolol kale) aan aheyn noloshayada (tan) adduunkan, nalamana soo saarayo (dhimashadayada kddib).

31. Waxaa dhab u khasaaray kuwa beeniya la kulanka Alle (ee Aakhiro), jeer markay Saacadda (Qiyaame) ugu timaado si kedis ah, waxay odhan: Alla innaguye waxaan ka gaabinnay oo ku gabood fallay darteed, waxayna ku xambaari culeysyadooda (denbiyadooda) dhabarradooda, xumaa waxay xambaari (oo denbiyo ah).

32. Ma aha noloshan adduunka waxaan aheyn cayaar iyo madaddaalo. Daarta Aakhiro baana u khayr badan kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira xumaha), ee miyaydaan garowsaneyn?

35. Hadday kugu weynaatayna (cuslaatay) ka jeedsigoodu (xaggaaga Nabiyow iyo Xaqa lagula soo diray oo aadan u samri karin), haddaba haddaad karto inaad god ka yeelato arlada gudaheeda, ama sallaan (aad ku fuusho) samada si aad ugu keento calaamo (samee). Hadduu Alle doonana wuxuu ku soo kulmin lahaa iyagoo dhan hanuunka, ee ha ka mid noqon jaahiliinta.

40. Dheh: Bal ka warrama hadduu idiin yimaado Cadaabka Alle ama ay idiin timaaddo Saacaddu (Qiyaame), ma cid kale aan Alle ahayn ayaad baryeysaan haddaad run sheegaysaan?

41. Mayee’ Isaga uun ayaad baryeysaan, markaasuu idinka dul qaadi (dhibta) waxaad ka baryeysaan hadduu doono, waadna illowdaan waqtigaa waxaad la wadaajineyseen cibaadada (oo Keligii baridaan).

42. Waxaan u dirnay (Rusul) ummado kaa horreeyay (wayse ku caasiyeen) markaas baan ku qabannay dhibaatooyin iyo jirrooyin si ay u soo dabcaan oo ugu hoggaansamaan (Alle).

45. Markaasaa la cidhibtiray dadkii falay dulmiga (shirkiga iyo xumaha kale). Ammaan idilkeed iyo mahadna waxaa mudan Alle, Rabbiga uumanka.

53. Sidaasaan isugu imtixaannaa (dadka) qaarkoodba qaar kale inay (kuwooda hodanka ahi) yidhaahdaan: Ma kuwaan baa kuwa Alle uu ku mannaystay (hanuunka) dhexdeenna? Miyaanu Alle ahayn Kan Ogsoon kuwa mahad naqa?

57. Dheh: Anigu waxaan ka heystaa Xujo Cad xagga Rabbigay, waadse beeniseen (Xaqa), ma hayo waxa aad degdegsaney- saan (Cadaabka). Go’aanka waxaa iska leh Alle Keliya, wuxuu soo tebiyaa Xaqa, waana Isaga Kan u wanagsan inta wax kala saarta.

58. Dheh: Haddaan hayn lahaa waxaad dooneysaan in la soo dedejiyo (oo cadaab ah), arrinka wuxuu ahaan lahaa mid la gooyey aniga iyo idinka dhexdeenna, Allena wuu ogsoon yahay daalimiinta (gar diidka).

59. Wuxuu (Alle) hayaa furayaasha khaznadaha qarsoon, ma jiro wax ogsoon aan Isaga ahayn. Wuxuu og yahay wax kasta oo ku sugan barriga iyo badda; ma jirto caleen soo dhacda uusan ogeyn; ama iniin taal mugdiyada dhulka iyo wax qoyan ama qallalan midna, bal (waxay dhaammaan) ku yaalliin Kitaab Cad (Looxa Maxfuudka).

60. (Alle) waa Kan oofsada nafahiinna habeenka (hurdada gudaheeda), wuxuuna ogsoon yahay waxaad kasabtaan maalinnimada (oo khayr ama shar ah), haddana idinka soo kiciya mar kale si loo oofiyo muddo magacaaban, Xaggiisaana la idiin celin, markaasuu idiin sheegi wixii aad fasheen (oo dhan).

61. Waana Qahraha awoodda badan uu wax ku Maquuniyo, ee ka korreeya addoomahiisa, wuxuu idiin soo diraa ilaalo (malaa'ig) korkiinna ah, jeer markuu midkiin u yimaado mowdku, waxaa oofsada Rusushayada (Malaa’igta ah), mana gabood falaan.

63. Dheh: Waa kuma kaa idinka badbaadiya halisaha barriga iyo badda (marka) aad baridaan (si caddaan ah) idinkoo u hoganaya (isu dulleyn) iyo qarsoodiba (idinkoo dhihi): Hadduu naga badbaadiyo (halis) tan, waxaanu ka mid noqon kuwa mahadiya.

67.War walbaa wuxuu leeyahay sal dhig iyo muddo uu ku dhammado, waadna ogaan doontaan (gaaloy waxa idinku dhaca).

69. Kuwa dhowrsoon waxba kama saarna xisaabtooda (gaalada iyo caasiyaasha), waxayse ku leeyihiin waano, waa intaasoo ay iska jiraan (xumaha).

71.Dheh:Ma waxaan barinnaa (caabudnaa) Alle sokadi wax aan noo hanan karin dhib iyo dheef midna, ma waxaana dib naloogu celin cirbahayaga kaddib markuu Alle na hanuuniyey? (markaas waxaan ahaaneynaa) sida kan ay ka yeeleen shaydaammadu inuu ku luufluufo dhulka dhexdiisa isagoo jaha wareersan? (halka) uu leeyahay saaxiibbo ugu yeedha hanuunka (oo ku dhaha): Noo kaalay. Dheh: Hanuunka Alle (Islaamka) uun baa ah hanuunka toosan, waxaana nala amray inaan u hogaansanno Rabbiga uumanka.

73. (Alle) waa Kan ku abuuray samooyinka iyo arlada xaq. Maalinta uu yidhaahdo: Ahow, way ahaan. Qawlkiisu waa Xaq. Isagaana leh Boqortooyada (runta ah) Maalinta marka la afuufo Buunka. Waa Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqdaba, waana Isaga Xakiimka, Xog Ogaalka ah Xeesha Dheer.

78. Markuu arkay qorraxda oo soo baxaysa, wuxuu yidhi: Ma kan baa Rabbigay? Ma kan baa ugu weyn?. Markay se dhacday, wuxuu yidhi: Qoonkaygiyow! Anigu waxaan barii ka ahay waxaad Alle u shariig yeeshaan.

79. Anigu waxaan u jeediyey wejigayga anoo toosan xagga (Alle, ee ah) Kan askumay (ahaysiiyey) samooyinka iyo arlada, oo anigu ka mid ma ahi mushrikiinta.

80. Waxaa la doodayna qolodiisii; wuxuu yidhi: Ma waxaad igala doodeysaan arrinka Alle? isagoo I hanuuniyey; mana ka cabsi qabo waxaad Alle la wadaajisaan cibaadada (ma jiraan wax ay i yeeli karaan) wuxuu Rabbigay doono ma’ahee. Rabbigay wuxuu ku koobaa wax walba Cilmi (iyo Awood). Ee ma waydaan waansamayn?

81. Sidee baan uga cabsan kuwaad Alle la wadaajisaan cibaadada (iyagoo aan hanan karin dhib iyo dheef midna), halka aydaan idinku ka cabsanin inaad la wadaajiseen Alle cibaadada cid kale uusan idiinku soo dejinin wax xujo ah. Ee kee baa labada qolo mudan amni, haddaad ogtihiin?

82. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo aan ku dheehin Iimaankooda dulmi (shirki ama danbi kale oo weyn), waa kuwaas kuwa uu u sugnaan amnigu, waana iyaga kuwa hanuunsan.

88. Kaasi waa hanuunka Alle uu ku hanuuniyo qofkuu doono oo ka mid ah addoomahiisa. Hadday la wadaajin lahaayeenna Alle cibaadada cid kale, waxaa ka buri lahaa waxay camal san faleen.

91. Ma ayan qaddarin Alle qaddarinta uu mudan yahay markay leeyihiin: Waxba Alle kuma soo dejin Waxyi ah qof Aadmi ah. Dheh: Yaa soo dejiyey Kitaabkii uu la yimid Muuse, oo u ahaa Nuur iyo Hanuun dadka, oo aad idinku (Yuhuudda ah) ka dhigteen qoraallo (kala gaar ah) aad muujisaan (qaar ka mid ah) qarisaanna wax badan? Waxaana la idin baray wax aydaan aqoon jirin idinka iyo aabbayaashiin midna. Dheh: Allaah (baa soo dejiyey). Markaas iskaga tag iyagoo baadilkooda ku madadaalan.

94. Waxaad noogu timaaddeen keli keli sidaan idiin abuurnay awal horeba. Waxaadna uga timaaddeen dhabarradiinna gadaashood waxaan idinku galladeysan- nay. Ma aragno la jirkiin shafeecayaa- shiinnii aad ku sheegi jirteen inay shuruko Alle la yihiin. Dhammaan xiriirkii dhexdiinna ahaa haatan kala go’an yihiin, oo waxaad sheegeyseen (baryeyseen oo ilaahyo been ah) waad weydeen.

96. Alle waa Kan waaga bariya, oo ka yeelay habeenka nasasho, qorraxda iyo dayaxana in wax lagu xisaabsado. Arrinkaasi waa Maamulka iyo Qaddarka Alle, Adkaadaha, wax kasta Ogsoon.

99. Alle waa Kan ka soo dejiya biyo (roob) daruuraha, aan ku soo saarno dhir nooc kasta leh, markaasaan waxaan ka soo saarnaa cagaar, kaasoo aan ka soo saarno sabuul ku karooran (dhegtiisa). Waxaana ka soo saarnaa geed timireedka iyo khaylkeeda cobollo timir ah oo hoos u soo lusha, dhowna oo aan fogeyn iyo beero ah canab, saytuun iyo rummaan, oo (nooc ahaan) isu eg, ha yeeshee kala duwan (midab iyo dhadhan ahaan). U fiirsada mirihiisa markuu miro dhalo iyo bisaylkiisa. Waxaa waxa kani ugu sugan calaamooyin ciddii (Xaqa) rumayn.

100. Waxay (gaaladu) u yeelaan Alle shuruko jin ah (ay la wadaajiyaan cibaadada), Isagoo abuuray, waxayna baadil ugu nasbeeyaan wiilal iyo gabdho cilmi la’aantooda awgii. Xurmo oo dhan Isagaa leh, wuu (ka hufan yahay Alle) oo ka sarreeyaa waxay ku sheegi.

102. Kaasi waa Allaah, Rabbigiin, Ma jiro Ilaah (xaq lagu caabudo) aan Isaga ahayn. Abuuraha wax kasta, ee caabuda Keligii, Isagaana wax kasta u wakiil ah (ilaaliya).

103. Ma koobi karaan (Alle) aragga indhuhu, Isaguse wuu koobaa Arag walba (Alle wuu arkaa wax kasta, lamase arko Isaga adduunka). Waana Roonaan Badanaha, Xog ogaalka ah.

104. Waxaa idiinka yimid tusmooyin xagga Rabbigiin, ee qofkii arkaa (ku hanuuna), naftiisay dan u tahay, qofkiise ka indho la'aada isagay u daran tahay, aniguna ma ahi mid korkiinna ilaaliye ka ah.

108. Ha caayina kuwaa ay baryaan (caabudaan) Alle sokadi (waa asnaamta), si aysan (gaaladu) iyagoo xadgudbaya markaa u caayin Alle jahli darti. Sidaasaan ugu qurxinnay ummad walba camalkeeda (khayr ama shar midkay doortaan); markaas waa xagga Rabbigood meel noqodkoodu, wuxuuna u sheegi waxay fali jireen.

111. Haddaan u soo diri laheyn malaa’ig (u sidda Dhambaalkan), meytiduna ay (ka)la hadli lahaayeen (arrinkani), oo aan ku soo kulmin laheyn wax walba oo dhan hortooda, ma ay rumeyn lahayn (Xaqa), in maahee Alle doono, badankooduse waa moog yihiin oo ma garanayaan (Xaqa aad uga keentay xagga Alle).

114. Ma cidaan ahayn Alle baan doonaa inuu noo kala garsooro innaga iyo idinka, Isagoo ah Kan idiin soo dejiyey Kitaabka (Qur’aanka) ay wax walba ku cad yihiin. Kuwaan (horay u) siinnay Kitaabka waxay ogsoon yihiin in laga soo dejiyey xagga Rabbigaa si xaq ah. Sidaas darteed ha ka mid noqon kuwa ka shakiya.

115. Kelmadda Rabbigaana waxay ku taam noqotay run iyo caddaalad. Ma jiro wax beddeli karaa Kelmedihiisa. Waana Maqlaha (wax kasta),wax kasta ogsoon.

118. Ee cuna waxa (hilibka) lagu xusay Magaca Alle (markii la gowracayey), haddaad tihiin kuwa Aayadihiisa rumeysan.

123. Sidaasaan u yeelnay magaalo walba gudaheed denbiilayaal waaweyn (madax iyo maalqabeenno xun) si ay ugu dhex maleegaan qorshe (xun), umase maleegaan qorshe (xun) waxaan ahayn nafahooda, mase dareensana.

127. Waxay leeyihiin Daarta Nabadda (Jannada) Rabbigood agtiis ah, Isagaana ah Gargaarahood waxay camal san falayeen darteed.

129. Sidaasaan ugu salladnaa daalimiinta qaarkoodba qaarka kale, waxay kasbadeen awgeed (oo denbiyo ah).

131. Sidaasi waa inaan Rabbigaa ku halligeyn magaalooyinka gar darro iyagoo dadkooda war la’ yihiin (aan loo digin).

132. Dhammaan waxay leeyihiin derejooyin (heerar) waafaqsan waxay camal falaan. Rabbigaana ma mooga waxay camal falaan.

135. Dheh: Dadkaygiyow! Camal fala intii karaankiinna ah, Aniguna sidoo kale waan camal faliye, waadse ogaan doontaan keennee lahaan doona cidhibta (wanaagsan) daarta (Aakhiro). Hubaal ma liibaanaan daalimiinta.

139. Waxay (gaaladu) yidhaahdeen: Waxa ku jira uurarka xoolahan (caano ama ilmo) waxaa gaar u leh labkayaga keliya, waana ka xaaraan xaasaskayaga, hadduu baqti yahayna, way wadaagaan dhammaantood. Wuu ka goyn waxay been u nisbeeyeen (Alle). Hubaal, Alle Waa Xakiim Fal iyo Odhaah san, wax kasta Ogsoon.

142. Waxaa ka mid ah xoolaha (uu Alle abuuray qaar) xummuul qaada iyo kuwo u suubbada in la qasho oo keliya. Wax ka cuna waxa Alle idin siiyey, hana raacina tallaabooyinka Shaydaanka. Hubaal wuxuu idiin yahay cadow cad.

145.Dheh:Kuma hayo waxa la ii waxyooday wax ka xaaraan ah cunaa inuu cuno inuu yahay maahee baqti ama dhiig horay u soo butaaca (gowrac darti iyo wax la mid ah), ama hilib doofaar, waayo waa fadaro, ama taasi ah caasiyoobid ee wax kale aan aheyn (Magaca) Alle lagu xusay dusheeda (markii la gowracayey), qofkiise ay dani ku qabato isagoo aanay rabitaan ka aheyn, aan xad gudbeynna, hubaal Rabbigaa waa Denbi Dhaafid Badane, Naxariis Badan.

147. Hadday ku beeniyaan (Nabiyow) waxaad dhahdaa: Rabbigiin waa Rabbiga Naxariista Ballaadhan, Ciqaabkiisana lagama celiyo qoloda denbiilayaasha ah.

151. Dheh: Kaalaya, Waxaan akhriyi waxa uu (Alle) Rabbigiin idinka xaaraameeyey: (xusuusnaada) inaydaan (cibaadada Alle) la wadaajin waxba; una muujiya wanaag oo baarri u ahaada waalidiintiin, hana u dilina carruurtiinna (ka cabsi) faqri darteed - Annagaa idin arsaaqayna idinka iyo iyagaba; oo ha u dhowaannina xumaano oo dhan (denbiyada waaweyn sida zinada) kuwooda ka mid ah ee muuqda iyo kuwo qarsoonba, hana ku dilina nafta uu Alle xaaraameeyey arrin xaq ah11 maahee, Sidaasuu idinku farad yeelay, bal inaad fahantaan.

154. Waxaan siinnay Muuse kitaabka (Towraadda), si aan ugu iltirno (Galladayada) korkiisa kan sama falay (waa Muusee), kitaabkaasoo ka yeelaya caddaan wax waliba oo hanuun iyo Naxariis ah, si ay la kulanka Rabbigood u rumeeyaan.

155. Kanina waa Kitaab (Qur’aan) aan soo dejinnay, barakeysan, ee raaca oo iska jira (xumaha) si la idiinku naxariisto.

162. Dheh: Salaaddayda, gowracayga, hannaanka noolaanshaheyga, iyo geeridaydaba waxaa (dhammaan) iska leh Allaah, Rabbiga uumanka.

163. Ma leh wax shariik ah. Oo (arrin)kan baa la I amray, Waxaana ahay anigu kan ugu horreeya kuwa (u) hoggaansan (Alle).

165. (Alle) waa Kan idinka yeelay kuwo isku xigsada dhulka oo ka taliya, kana sare mariyey qaarkiinba qaar derejooyin, si uu idiinku imtixaamo wuxuu idin siiyey. Hubaal Rabbigaa waa ku Dhaqso badan yahay Ciqaabka, waana Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.