إِنَّ اللَّهَ اصْطَفَىٰ آدَمَ وَنُوحًا وَآلَ إِبْرَاهِيمَ وَآلَ عِمْرَانَ عَلَى الْعَالَمِينَ ( 33 )
Eebe wuxuu ka doortay Aadan, Nuux, Ehelkii Ibraahim iyo Ehelkii Cimraan Calaamka.
ذُرِّيَّةً بَعْضُهَا مِن بَعْضٍ ۗ وَاللَّهُ سَمِيعٌ عَلِيمٌ ( 34 )
Waana Farac Qaarkood Qaar ka yimid Eebana waa Maqle oge ah.
إِذْ قَالَتِ امْرَأَتُ عِمْرَانَ رَبِّ إِنِّي نَذَرْتُ لَكَ مَا فِي بَطْنِي مُحَرَّرًا فَتَقَبَّلْ مِنِّي ۖ إِنَّكَ أَنتَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ ( 35 )
Xusuuso markay tidhi Haweenaydii Cimraan Eebow waxaan kuugu Nadray waxaa uurkayga ku jira inuu Xor kuu ahaado (Cibaadadaada) ee iga aqbal adiga umbaa wax Maqleoge ehe.
فَلَمَّا وَضَعَتْهَا قَالَتْ رَبِّ إِنِّي وَضَعْتُهَا أُنثَىٰ وَاللَّهُ أَعْلَمُ بِمَا وَضَعَتْ وَلَيْسَ الذَّكَرُ كَالْأُنثَىٰ ۖ وَإِنِّي سَمَّيْتُهَا مَرْيَمَ وَإِنِّي أُعِيذُهَا بِكَ وَذُرِّيَّتَهَا مِنَ الشَّيْطَانِ الرَّجِيمِ ( 36 )
Markay dhashay Gabadh waxay tidhi Eebow waxaan dhalay Dhaddig, Eebana waa ogyahay waxay dhashay Labna la mid ma aha dhaddig, waxaana ka magacaabay Maryam waxaana kaa magan galin iyada iyo Faraceeda Shaydaanka la dhagaxyeeyey (la dheereeyey).
فَتَقَبَّلَهَا رَبُّهَا بِقَبُولٍ حَسَنٍ وَأَنبَتَهَا نَبَاتًا حَسَنًا وَكَفَّلَهَا زَكَرِيَّا ۖ كُلَّمَا دَخَلَ عَلَيْهَا زَكَرِيَّا الْمِحْرَابَ وَجَدَ عِندَهَا رِزْقًا ۖ قَالَ يَا مَرْيَمُ أَنَّىٰ لَكِ هَٰذَا ۖ قَالَتْ هُوَ مِنْ عِندِ اللَّهِ ۖ إِنَّ اللَّهَ يَرْزُقُ مَن يَشَاءُ بِغَيْرِ حِسَابٍ ( 37 )
Wuxuuna ka aqbalay Eebe aqbal fiican, wuuna koriyey korin fiican (Xanaano) waxaana kafaala qaaday (Dhaqaaleeyey) Zakariye, markastoos ugu galana Mixraabka (Qolka) wuxuu ka helaa agteeda Rizqi, wuxuuna dhahaa xaggee kaaga yimid Maryamow kan, waxayna dhahdaa wuxuu ka yimid Eebe agtiisa, Eebana wuu u Arzuqaa Cidduu doono Xisaab la’aan.