التصنيفات
القرآن الكريم

Surah Al-Imran ( The Famiy of Imran ) [42-48]

وَإِذْ قَالَتِ الْمَلَائِكَةُ يَا مَرْيَمُ إِنَّ اللَّهَ اصْطَفَاكِ وَطَهَّرَكِ وَاصْطَفَاكِ عَلَىٰ نِسَاءِ الْعَالَمِينَ ( 42 ) 

(Xusuuso) markay tidhi Malaa’igtu Maryamoy Eebe waa ku doortay waana ku daahir yeelay wuxuuna kaa doortay Haweenka Caalamka.

يَا مَرْيَمُ اقْنُتِي لِرَبِّكِ وَاسْجُدِي وَارْكَعِي مَعَ الرَّاكِعِينَ ( 43 ) 

Maryamooy adeec (u khushuue) Eebahaa sujuudna Rukuuena (la tuko) kuwa rukuuea (Tukada).

ذَٰلِكَ مِنْ أَنبَاءِ الْغَيْبِ نُوحِيهِ إِلَيْكَ ۚ وَمَا كُنتَ لَدَيْهِمْ إِذْ يُلْقُونَ أَقْلَامَهُمْ أَيُّهُمْ يَكْفُلُ مَرْيَمَ وَمَا كُنتَ لَدَيْهِمْ إِذْ يَخْتَصِمُونَ ( 44 ) 

Taasi waa warka waxa Maqan oonnu kuu waxyoon mana aadan la joogin markey tuurayeen Qalimadooda koodii kafaala qaadi Maryam, mana aadan la joogin markey murmayeen.

إِذْ قَالَتِ الْمَلَائِكَةُ يَا مَرْيَمُ إِنَّ اللَّهَ يُبَشِّرُكِ بِكَلِمَةٍ مِّنْهُ اسْمُهُ الْمَسِيحُ عِيسَى ابْنُ مَرْيَمَ وَجِيهًا فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ وَمِنَ الْمُقَرَّبِينَ ( 45 ) 

(Xusuuso) markey tidhi Malaa’igtu Maryamooy Eebe wuxuu kuugu Bishaarayn Kalimo Xaggiisa ah (Wiil) Magaeiisu yahay Masiix Ciise Ibnu Maryam isagoo Sharaf leh Adduun iyo Aakhiraba kana mid ah kuwa la soo dhaweeyey.

وَيُكَلِّمُ النَّاسَ فِي الْمَهْدِ وَكَهْلًا وَمِنَ الصَّالِحِينَ ( 46 ) 

Kulana hadli Dadka Dharabta iyo isagoo (Gadhmadoobe) nin wayn ah kana mid ah kuwa Suuban.

قَالَتْ رَبِّ أَنَّىٰ يَكُونُ لِي وَلَدٌ وَلَمْ يَمْسَسْنِي بَشَرٌ ۖ قَالَ كَذَٰلِكِ اللَّهُ يَخْلُقُ مَا يَشَاءُ ۚ إِذَا قَضَىٰ أَمْرًا فَإِنَّمَا يَقُولُ لَهُ كُن فَيَكُونُ ( 47 ) 

Waxay tidhi (Maryam) Eebow sidee Ilmo iigu ahaan isagoon i taaban Dad (Nin wuxuu yidhi (Eebe) saasuu Eebe wax u abuuraa wuxun doono, markuu xukmin amarna wuxuu uun u dhahaa ahow wuuna ahaadaa.

وَيُعَلِّمُهُ الْكِتَابَ وَالْحِكْمَةَ وَالتَّوْرَاةَ وَالْإِنجِيلَ ( 48 ) 

Wuxuuna (Eebe) bari Ciise Kitaabkka, Xigmad, Towreed iyo Injiil.